Jump to content

Wikipedia:Maqaal Xul Ah Bogga Hore

Ka Wikipedia
  • Waxay ka mid tahay Maqaalka Xulka ah ee Bogga Hore taasoo lagu soo ban dhigayo bogga hore si tira koob ah "Tirada Maqaalada". Hagaaji
  • Marka aad doonto inaad ku kordhiso maqaal xul ah:
  1. Ka soo qaado qoraalka ku jira halkaas adigoo ku shubaya halka ugu dambaysa ee kaydka maqaalada xulka ah ee bogga qaybihiisa hoose.
  2. Raacina magaca maqaalka Template:Maqaal Xul Ah Bogga Hore/Kala Hormarin.
  3. Haddii uu maqaalka ka turjumayo maalin taariiki ah. Raaci maalin munaasab ah halkaan Template:Liiska Munaasabadaha Maqaal Xul Ah Bogga Hore/Kala Hormarin.
  • Tirada Maqaalada Xulka ee hadda ku jira waa "16" maqaal oo kaliya, dabcan waa laga yaabaa in ku jiraan kuwa kale laakiin farsamo ahaan ma soo bixin.
  • Maqaalka hadda wuxuu tilmaamayaa in uu yahay mika ku jira tirad: 10

Wax ka bedelka qoraalka ee maqaalka hadda

Caasimadad ku taala Tegsas, Maraykanka
Caasimadad ku taala Tegsas, Maraykanka

Dallas (/ləs/) waa magaalo aad u weyn oo ku taala gobolka Tegsaas ee wadanka Maraykanka. Magaalada Dallas waa tan 4aad ee ugu weyn magaalooyinka wadanka Maraykanka marka loo eego baaxad ahaan, laakiin waa mida 3aad ee ugu dadka badan gobolka Tegsas, marka laga reebo Houston iyo San Antonio.

Jiritaanka caasimadan waxay ka soo unkantay taariikh ahaan waa helitaanka iyo qodida saliida iyo cudbiga, waxaana aad u caawiyay ineey korto oo fido wadooyinka tareenka ee iskugu yimaada badhtamaha magaalada. Intaas waxaa dheer, magaaladani waxay fadhi u tahay dowlada Dallas County, laakiin waxay gaadhsan tahay ilaa Kolin County, Denton County, Kaufman County iyo Rockwall county, kuwaasi oo dhamaan ku hareersan magaalda. Tiro koob dadka ah oo dowlada wadanka Maraykanku sameeysay sanadkii 2010ka ayaa lagu ogaaday in magaalada Dallas leedahay shacab ku dhaqan oo gaadhaya ilaa 1,197,816, midaasi oo sii kortay sanadihii xigay ilaa sanadkii 2014ka la sheegay in shacabka magaaladu gaadheen 1,281,047.

Xaga dhaqaalaha waxaa la sheegay in Dallas tahay magaalada 6aad ee ugu dhaqaalaha badan wadanka Maraykanka, mida koowaad ee 12ka kowni ee la isku yidhaahdo "DWP", iyo mida 3aad ee ugu awooda badan gobolka Tegsas. Waxaana sanadkii 2013ka lagu xusay dhaqaalaha magaaladan GDP of $448 bilyan. Sidoo kale waxay Dallas tahay magaalada ugu koritaanka badan ee wadanka Maraykanka; iyo mid ka mid ah afarta magaalo ee ugu shaqada badan dalkaasi dhexdiisa, (waxaa ka horeeya oo kali ah magaalooyinka New York, Los Angeles iyo Chicago).

Dhaqaalaha magaalada Dallas wuxuu ku dhisan yahay ganacsiga, wershadaha, tamarta, teknoolojiyada casriga ah, bankiyada, soo saarida koombuyuutarada, isgaadhsiinta, caafimaadka iyo cilmi-baadhista. Waxaana degan magaaladan qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn wadanka Maraykanka, sida "Fortune 500" Waxaa magaaladan loo aqoonsaday wakhtiyada dambe ineey Dallas tahay mid ka mid ah caasimadaha ugu waaweyn dunida, ayadoo ah magaalo caalami ah iyo mida 14aad ee ugu GDP sareeysa caalamka.

Magaalada Dallas waxay dhacdaa waqooyiga gobolka Tegsas, waana xarun weyn oo isgaadhsiin gaadiidka cirka iyo dhulka, waxayna isku xidhaa deegaanada koonfurta gobolkaasi iyo waqooyiga. Intaas waxaa dheer, magaalada Dallas waxay leedahay mid ka mid ah gego diyaarad kuwa mashquulka badan caalamka, halkaasi oo tiro badan oo diyaarado ah isku weeydaartaan saacad kasta. (SII AQRI)

Liiska maqaalada la soo ba dhigo

  • Liiska maqaalada oo faahfaahsan ee Boggaan.