Jump to content

Portal:Woqooyiga Ameerika

Ka Wikipedia

Hiddaha iyo Dhaqanka Sooyaal Juqraafi Taariikh Xisaab Saynis Bulsho Farsamo Falsafad Diimaha Tusmo Cunto

Warbixin Guud   Juqraafiga

Portalka Woqooyiga Ameerika

Woqooyiga Ameerika waa qaarad dhacda qeybta waqooyi ee Dhulka. Waxa dhinaca waqooyi ka xiga Badweynta Arktik, dhinaca bari waxaa ka dhaca Waqooyiga Badweynta Atlaantik, dhanka koonfurbari waxaa ka dhaca Bada Kaaribiyaanka, waxaa koonfurta iyo galbeedka ka dhaca Badweynta Baasifiga; halka Qaarada Koonfur Ameerika ka xigto koonfurbari. Guud ahaan, qaarada Waqooyiga Ameerika waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu le'eg yahay 24,709,000 square kilometers (9,540,000 square miles), taasi oo u dhiganta 4.8% oogada dunida ama ilaa 16.5% baaxada qaaradaha. Tirokoob dadka ah oo la sameeyay Luuliyo 2008, waxaa qaaradan ku noolaa dad gaadhaya 529 milyan. Dhinaca kale, qaarada Waqooyiga Ameerika waa tan sadexaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka; waxaa ka wayn kaliya Aasiya iyo Afrika. Sidoo kale qaaradani waa mida afaraad ee ugu dadka badan; waxaa ka horeeya Aasiya, Afrika, iyo Yurub. Qaarada Waqooyiga Ameerika iyo Koonfur Ameerika waxaa loo yaqaanaa Ameerika, taasi oo ah magac ay wadaagaan.

Muuqaalka cirka ee Waqooyiga Ameerika
Muuqaalka cirka ee Waqooyiga Ameerika

Sida ku xusan taariikhda, labadan qaaradood waxaa loogu magac-daray nin sahamiye ahaa oo u dhashay wadanka Talyaaniga kaasi oo magaciisa la odhan jirey Amerigo Vespucci. Ninkani wuxuu qaaradahan sahan ku tagay wakhtiyadii u dhaxaysay 1497 iyo 1502.

Wadanada

Deegaanada, maamulada, iyo wadanada ka tirsan ama hoos yimaada Qaarada Waqooyiga Ameerika waxaa ka mid ah:

Maqaal xul ah

Madaxweynaha 44aad ee wadanka Maraykanka
Barack Xuseen Obama (US Listeni/ˈrɑːk hˈsn ˈbɑːmə/; Af Ingiriis : Barack Husein Obama; Af Carabi : ar‎; wuxuu dhashay Ogosto 4, 1961) waa siyaasi isla markaana aha madaxweynihii 44 ee dalka Mareykanka , iyo qofkii ugu horreeyey ee Afrikan Ameerikan ah ee xilkaas qabta wuxuu ku dhashay Honolulu jasiiradaha Hawaii. Obama wuxuu ka qalin jabiyey jaamacadda Columbia University iyo dugsiga garsoorka jaamacadda harvard Harvard Law School, halkaasuu kasoo noqday madaxa Harvard Law Review.

Barack Obama waa nin dhalinyar ah oo aad u xargo badan ahna madaxweyna USA dadiisuna waa 47 jir. Waxa uu ku dhashay gobolka Hawaii bishii Juli 27 teedii, Sanadkii 1961 dii. waxaa iska dhalay Aabe dadka madow ah oo ka yimid wadaka Kenya iyo hooyo dadka cadaanka ah oo ka soo jeeda Gobolka Kansas ee wadanka Maraykanka Isaga iyo Afadiisa Michelle Obama, waxa ay leeyihiin laba gabdhood oo la kala yiraahdo Malia iyo Sasha Aabbihii waxa uu ka tagay isaga oo laba sano jir ah si uu waxbarashadiisa uga sii wato jaamacada Harvard. Kaddibna waxa uu dib ugu laabtay dhulkii uu ka yimid ee Kenya.

Sawir xul ah

Qabiilka Jibewaha
Qabiilka Jibewaha
Xuquuqda sawirka: Library of Congress
Dumarka Qabiilka Jibeewaha ee ku dhaqan gobolada Minnesota iyo Wiskonsin wadanka Maraykanka. Dadkani waa Ameerikaanka Asalka ah ee qaarada Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika ku noolaa tobanaan kun oo sano. Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota waxay dadkan ku magacaabaan "Cali-beesteen".

Maqaalo

Categories

Portal la xidhiidha

Mashaariic Bahwadaag

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]