Portal:Juqraafi/Ma ogtahay
Appearance
[{{fullurl:{{{2}}}|action=edit}} bedel]
Ma ogtahay
Ma ogtahay in qoraxdu:
![](//chped.net/https/upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/1/12/Artist%27s_impression_of_the_Milky_Way_%28updated_-_annotated%29.jpg/200px-Artist%27s_impression_of_the_Milky_Way_%28updated_-_annotated%29.jpg)
![](//chped.net/https/upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/a/a3/Giant_prominence_on_the_sun_erupted.jpg/200px-Giant_prominence_on_the_sun_erupted.jpg)
- tahay xidiga Bahda Qoraxdu Midaysay.
- ku wareegto udub dhexaadkeeda.
- ku dhex wareegto Galagsiga Milky Way badhtamaheeda aya oo ku socota xawaare dhan 220 km ilbidhiqsigiiba
- leedahay isku wareega (goobo) u dhigma 109 jeer dhulka iyo mug (mass) 330,000 jeer dhulka.
- ka samaysan tahay Hydrogen (73.46%).
- heelkulka bu'du (core) tahay 15.7 milyan °C, halka heerkulka oogada sare yahay 5,800 °C.
- tahay isha koowaad ee dhamaan awooda ka jirta Bahda Qoraxdu Mideysay.
- ka mid tahay xidigaha loo yaqaano G-type (G2V) kuwaasi oo ah darajada 4aad ee xidigaha. Taasi micnaheedu waa waxa jira ugu yaraan 3 nooc xidigo ah oo ka xajmi iyo qaro weyn qoraxda.
- jirto 4.6 bilyan sano (waa sida saynisyahanadu sheegeen).
- leedahay awood magnet oo aad u xoog badan taasi oo isku heysa dhamaan meerayaasha Bahda Qoraxdu Mideysay.
![](http://chped.net/https/upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/1/12/Artist%27s_impression_of_the_Milky_Way_%28updated_-_annotated%29.jpg/200px-Artist%27s_impression_of_the_Milky_Way_%28updated_-_annotated%29.jpg)
![](http://chped.net/https/upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/a/a3/Giant_prominence_on_the_sun_erupted.jpg/200px-Giant_prominence_on_the_sun_erupted.jpg)
Portal:Juqraafi/Ma ogtahay/2 Ma ogtahay:
- in meerayaasha loo kala saaro Meere Dhagaxley iyo Neefaha Waawayn.
- Meerayaasha dhagaxa ka samaysan waxaa ka mid ah:
Waxaraxir,
Dusaa,
Dhulka,
Farraare
- Meerayaasha neefta ka samaysan waxaana ka mid ah: Cirjeex, Raage, Uraano iyo Docay.
- meeraha Cirjeex uu leeyahay 67 dayax oo ku wareega.
- Bluto lagu muransan yahay ineey tahay meere iyo in kale.
- Bluto leedahay 5 dayax.
- meeraha Dusaa yahay midka kaliya ee u wareega jiho ka duwan dhamaan meerayaasha kale ee Bahda Qoraxdu Mideysay.